Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyay Beledweyne (Sawirro)

Madaxweynaha  Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne kusoo dhoweeyay Madaxweynaha  Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga la socda oo kasoo duulay magaalada Dhuusomareeb ayaa gaaray magaalada Beledweyne , waxaana la filayaa in halkaasi kula kulmo madaxda ugu sareysa Hirshabelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay tagay degmada Maxaas iyo degmooyin kale ayaa wali wada abaabulka howlgalada ka dhanka ah kooxad Al Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan iyo qaar kale oo kamid ah gobolada dalka.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku marayo gobolada dalka ayaa ah mid lagu dhiiragalinayo howlgalada dalka ka socda dalka uu horey u iclaamiyay , kuwaa oo deegaano badan oo dalka kamid ah Al Shabaab looga saaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo Ballanqaaday adeegyo laga geyn doono Deegaanadii Al Shabaab laga saaray

Cabdi Cade

Guddi Somaliland u xilsaartay xalinta dagaalka Laascaanood oo 10 qodobo soo saaray

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo kala diray Golihii degaanka ee Magaalada Garowe (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---