Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Itoobiya oo xireysa Dugsiyada satre ee dalkaasi iyo Sababta oo la shaaciyay

Dowlada Itoobiya ayaa shaacisay in ay xirayaan mudo kooban dugsiyada sare ee dalkaasi kuyaala si ardayda la fasaxay dadka beeraleyda ahi ee ku maqan safka hore ee dagaalka ka dhanka ah TPLF uga caawiyaan goosashada dalagyada beeraha.

Wasiirka waxbarashada dalka Itoobiya ayaa Warbaahinta dalkaasi u sheegtay in dugsiyada sare ay xirnaan doonaan muddo hal usbuuc ah oo ka billaabanaysa maalinta isniinta ee soo socota.

Dowlada ayaana dooneysa in ardayda iskuulada loo xiray in ay gacan ka geestaan goosashada dalagyada beeraha oo dadkii lahaa qaarkood ku biireen ciidamada dowlada si ay gacan uga siiyaan dagaalka ka dhanka ah TPLF.

Dugsiyada sare ee la xirayo ayaa waxaa ku jira kuwa dowlad deegaanka aysan ka jirin colaado, waxaana ardayda kunool dowlad deegaanka maamulka sheegeen in ay qaban doonaan mudada isbuuca howlo danguud ah.

Malaayiin arday ah ayey saameyn ku yeesheen colaada ka aloosan gobolka Tigrey, waxaana colaada Itoobiya sababtay in arday badan dagaalka ku dhintaan halka kuwa kalana ay barakaceen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Acmaasha Xajka oo ka bilaabatay dalka Sacuudiga & dad kooban oo gudanaya (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Caan ah oo markii ugu horeesay Safar ku tagay Kuuriyada Waqooyi 

Cabdi Cade

Maxkamad amartay in lasoo xiro Haweeney la dhalatay Maxamed Bin Salman

Cabdi Cade
Taboola Ads ---