Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay shacabkii Caawa lagu dilay Muqdisho iyo askarigii ka dambeeyay oo…

Askari katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa caawa si bareer ah agagaarka Isgooska Jubba ee magaalada Muqdisho ugu dilay labo qof oo shacab ah , waxaana dilkaasi ka dhashay banaan bax rabshado watay.

Sida aan wararka ku helnay askariga oo kamid ahaa ciidamada loogu tala galay in Bandowga magaalada ka hirgaliyaan ayaa rasaas ku furay nin dhalinyaro ah oo ku sugnaa gurigiisa hortiisa, waxaana rasaastaasi ku dhintay ninka dhalinyarada ah iyo haweeney umul aheyd.

Dilka kadib ayaana waxaa dhacay banaan bax rabshado watay ay dhigayeen dadka deegaanka, waxaana banaan baxa oo socday saacado markii dambe istaagay, iyadoona xaalada hada si caadi ah kusoo laabatay.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ciidamada booliiska gacanta ku dhigeen askariga dilka u geestay dadka shacabka ah, waxa uuna taliyaha sheegay in la baarayo dilkan lana horgeyn doono cadaalada askariga geestay.

Dilkan caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa caro badan ku abuuray dadka shacabka ah oo markii horeyba dhibaato badan ku qabay bandowga dowlada kusoo rogtay magaalada Muqdisho xiliyada habeenkii ah.

Ciidamada booliiska Soomaaliya ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa marar badan si bareer ah u dilay dad shacab ah oon waxbo galabsan, waxaana dilalka ciidamada shacaka u geestaan sababayaan in shacabka kalsooni ku qabi waayaan ciidanka iyo dowladaba .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo fariin cad u dirtay Beesha Caalamka sidoo kale hor dhigtay Shuruudo adag

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo shaacisay iney ka hortagtay qatar ka soo socotay Al-Shabaab

Caydiid Ali

(Akhriso) Warqad dardaaran ah oo uu qoray Marxuum Siyaad Barre, wax yar ka hor geeridiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---