Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo dhalashadda nin ajnabi ah oo isku qarxiyey..

Al-shabaab ayaa farriin cod ah oo ay soo saareen ku sheegay in ninkii isku qarxiyay saldhigga militariga Soomaaliya ee degaanka Janaay Cabdalle ee duleedka magaalada Kismaayo toddobadii bishan Maarso uu u dhashay waddanka Burundi.

Al-shabaab ayaa ninka is qarxiyay magaciisa ku sheegay Dizaya Isxaaq Khalid. Waxay sheegeen inuu ahaa qowmiyadda Hutuuga.

Waxay intaas ku dareen inuu yimid Soomaaliya toddobo kahor inta uusan fulinin weerarka isqarxinta ah

Weerarkan oo ku bilowday is-miidaamin ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac,iyada oo saraakiisha dowladda iyo kuwa Jubaland ay sheegeen inay iska caabiyeen, isla markaana khasaare ‘xoog leh’ u geysteen Al-shabaab

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -