Dil dad badan ka naxeen oo ka dhacay Baladweyne iyo Ninkii geestay oo la qabtay

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay xaafad katirsan magaaladaasi uu ka dhacay dil dad badan ka argagaxeen kadib markii nin dadka deegaanka kamid ahaa uu dilay xaaskiisa.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in ninka dilka geestay iyo xaaskiisa uu soo kala dhax galay muran waxa uuna markaa kadib la dhacay toorey uu heestay oo dhaawac culus kasoo gaaray markii dambana u geeriyootay.

Ninka dilka geestay oo isku dayay in uu baxsado ayaa ugu dambeyn waxaa gacanta ku dhigay ciidamada booliiska magaalada Baladweyne, waxaana saraakiisha booliiska sheegeen in ay baarayaan sababta uu ninkan u dilay xaaskiisa.

Haweeneyda la dilay oo lagu magacaabi jiray Shugri Indha Cad ayaa kamid aheyd haweenka Jaadka ku iibiya magaalada Baladweyne, waxaana dilka gabadhan ninkeeda u geestay aad uga naxay dadka kunool magaalada Baladweyne.

Dilalka ay isku geestaan lamaanayaasha is qaba ayaa gudaha Soomaaliya kusoo badanaya, waxaana inta badan dilalkan salka ku hayaan arimo la xariira maseyr iyo khilaafaadka qoysaska iyo lamaanayaasha soo kala dhax gala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -