Allbanaadir.com
NEWS

Raisul Wasaare Rooble oo kormeer ku sameeyay Garoonka Aadan Cadde kadibna ka dhoofay ( Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhaw kormeeray garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Rooble iyo masuuliyiinta la socotay ayaa u kuur galay habsami u socodka howlaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo sida shaqooyinka u socdaa.

Raisul Wasaare Rooble ayaana kormeeerka Garoonka Aadan Cadde kadib halkaasi ka dhoofay isagoona u ambo baxayn
magaalada Baraawe ee caasimada Maamulka Koonfur Galbeed.

Magaalada Baraawe ayaana waxaa saakay gaaray Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo masuuliyiin kale kuwaa oo halkaas kusoo dhaweenaya Raisul Wasaare Rooble iyo wefdiga la socda.

 

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo si adag uga hor timid codsiga Kenya u gudbisay Maxkamada ICJ

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor iyo Wafdi la socda oo Hobyo u tagay arrin muhiim ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxdii hore ee Soomaaliya iyo Madaxweyne Waare oo Muqdisho ku shiray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---