Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Al Shabaab oo Weerar Khasaaro Xanuun badan geestay ku qaaday magaalada Baladweyne

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar madaafiic loo adeegsaday iyo mid toos ah ku qaaday xaafado kuyaala galbeedka Magaalada Baladweyne gaar ahaan xaafada Howlwadaag.

Sida aan wararka ku helnay Al Shabaab ayaa weeraray saldhig ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowlada ku leeyihiin xaafada Howlwadaag, waxa ayna Al Shabaab madaafiic ku garaaceen saldhigyada ciidamada joogeen.

Inta la xaqiijiyay sadex caruur isku qoys ahaa ayaa dhintay kadib markii hoobiye ku dhacay gurigooda oo kuyaalay xaafada Howlwadaag, waxaa sidoo kale hoobiyahaasi ku dhaawacmay labo ruux kale oo qoyskaasi katirsanaa.

Weerarkan Al Shabaab kusoo qaadeen magaalada Baladweyne ayaa yimid kadib markii shalay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada howlgal ka fuliyeen deegaano kuyaala duleedka Baladweyne ay joogeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

C/wali Gaas oo markii ugu horeysay ka hadlay xanta sheegeysa inuu damacsan yahay muddo kororsi

Caydiid Ali

(Sawirro) Maxaa ka soo baxay Wadahadalkii Xassan Shiikh & dhigiisa Erdogan?

Caydiid Ali

Qarax weyn oo goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---