TPLF oo xaalku ku xun yahay & ciidanka Itoobiya oo Magaalooyin cusub qabsaday

Jabhada TPLF ee dagaalka kula jirta ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay iney ka baxeen magaalooyin muhiim ah oo ku yaalla degaanka Amxaarada.

Arrtintan ayaa ka dambeysay markii ciidamada Itoobiya ay guulo ka gaareen dagaalo culus oo todobaadyadii la soo dhaafay ka dhacay woqooyiga dalkaas, kuwaasoo ay la galeen xoogaga TPLF.

Wararku waxay sheegayaan ciidamada Itoobiya ay qabsadeen magaalada Istaraatiijiga ah ee Geshena taasoo qasabtay in xoogaga TPLF ay ka firxadaan dhowr magaalo oo ku dhow.

Magaalooyinka ay ka baxeen TPLF ayaa la sheegayaa iney ka mid yihiin Laibela, Kombolcha, Weldiya iyo qaar kale sida ay xaqiijinayaan ilo ka madax banaan dowlada.

Bayaan ay soo saareen kooxda TPLF ayey ku qirteen iney ka baxeen dhowr magaalo sababo la xiriira xeelad dagaal iyo istaraatiijiyad Milateri, iyagoo beeniyey wararka ay baahisay dowlada ee sheegaya iney dagaalka ku jebisay TPLF.

Xoogaga TPLF ayey wararku sheegayaan hadda inuu xaalku u xun yahay, ayna qaarkood galeen go’doon markii ciidamada Itoobiya oo kaashanaya maleeshiyaad hubeysan ay jihooyin badan ka soo weerareen.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa warbaahinta caalamiga ah u sheegay in guulaha isdaba jooga ah ee ciidamada Itoobiya ka gaareen dagaalka ay sabab u tahay taageero milateri oo ay ka heleen dalal dibeda ah gaar ahaan Turkiga oo ku taageeray ku dhowaad 10 dayuuradood oo ah kuwa Droneska ee la yiraahdo Beyraktar, kuwaasoo la sheegay iney digada ka dhigeen kooxda TPLF.

- Advertisement -