Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka NISA oo rasaas dhimasho iyo dhaawac sababtay ku furay gaari shacab ah

Wararka inaga soo gaaraya degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir gaar ahaan Waaxda Wajeer ayaa sheegaya in Ciidanka NISA ee sida gaar ah u tababaran loona yaqaano Alpha Group ay halkaasi ku dileen qof shacab ah mid kalena dhaawaceen.

Dad-goobjoogayaal ah ayaa sheegay toogashadan ay ka dib markii gaari iska roge ahaa uu soo aaday kolonyo ay la socdeen ciidankan nabad sugida taasoo keentay in ciidanku ay shakiyaan, ayna rasaas ku furaan gaariga.

Waxaa ku geeriyooday halkaas qof shacab ahaa, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Ciidanka NISA ayaa intaasi kadib hakiyay socodkoodii, waxayna halkaasi ka qaadeen qofkii dhaawaca ahaa, iyagoo geeyay mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa marar badan sidan oo kale dilal u geystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, mana jirto cid dib dambe wax iskaga weydiisa dhibaatada shacabka loo geysto.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) War-saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia

Caydiid Ali

Caqabad cusub oo soo wajahday Ganacsatada Jaadka ee Dalka Kenya xilli heshiis la gaaray

Cabdi Cade

Shakiga soo waajahay Mucaaradka & Taliye odawaa oo bilaabay qorshe uu kula wareegayo amaanka dalka !!

admin
Taboola Ads ---