Lauren Boebert oo ugu dambeyn raaligelin siisay Xildhibaan Ilhaan Cumar & Muslimiinta

Lauren Boebert oo ah Haweeney ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa raaligelin ka bixisay hadal Islaam naceyb ah oo ay u jeedisay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ay ka wada tirsan hal gole

Ms Boebert  oo ah saaxiibka ugu weyn ee Donald Trump ayaa sheegtay inay ka xun tahay ayna raaligelinayso qof kasta oo bulshada Muslimka ka mid ah oo dhibsaday hadalladeeda.

Muuqaal laga duubay Boebert oo si weyn u qabsaday baraha bulshada ayaa waxay si kaftan ah argagixisanimo ugu eedaysay dhiggeeda Ilhan.

“Aniga iyo mid kamid ah shaqaalaha xafiiskeyga ayaa waxaan soo wada raacnay wiish ku yaal xarunta baarlamaanka ee Capitol, kadibna waxaan si degdeg ah ku soo galay askari walaacsan, Bidix ayaan eegay, kadibna waxaan arkay Ilhan Cumar. Waxaan tilmaamay inaysan wadan boorso qarax sida oo uu xaalku caadi yahay,” ayay u tiri si kaftan balse jees jees ah u tiri xildhibaanadan oo looga bartay inay taageerto kooxaha midigta fog.

Ilhan Cumar oo barteeda Twitter ugu jawaabtay ayaa sheegtay in sheekada Boebert ay tahay mid khiyaali ah oo aanay jirin meel ay isku arkeen “Xaqiiq, doqontan hoos ayay eegtaa marka ay igu aragto xarunta baarlamaanka, waa sheeko khiyaali ah oo ay samaysay,” ayay tiri Ilhan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -