Saraakiil iyo Ciidamo loo xiray qaraxii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir iyo Baaritaano socda

Warar aan helnay ayaa sheegaya in laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ay xireen qaar kamid ah ciidamada ilaalada ka hayay xarunta maamulka gobolka Banaadir oo shalay qarax loo maleenayo ismiidaamin uu gudaheeda ka dhacay.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhacay hool ku dhax yaala xarunta gobolka Banaadir halkaas oo ay shir ku lahaayeen gudoomiyaha gobolka Banaadir, Gudoomiyaal degmo iyo agaasimayaal .

Qofka qaraxa fuliyay ayaa la isweediinayaa sida uu uga gudbay baraha laga ilaaliyo xarunta gobolka Banaadir iyo sidoo kale albaabka hoolka uu shirku ka socday oo ilaalo gaar ah ay joogeen.

Ciidamada dambi baarista ayaa xiray qaar kamid ah ciidamada iyo saraakiisha ilaalada xarunta gobolka Banaadir ku qorneyd, waxaana ciidamada la xiray ku socda baaritaano adag oo lagu ogaanayo ku lug lahaanshaha qaraxan khasaaraha xoogan dhaliyay.

Haweeney waxyaabaha qarxa isku soo xirtay ayaa la sheegay in gudaha u gashay hoolka uu shirku ka socday, waxaana haweeneydaasi oon wali la oqoonsan isku dhax qarxisay goobtii uu shirku ka socday.

Masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa aaminsan in qaraxan la fududeeyay ayna jiraan dad ku lug leh, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha baaritaanka ku haya qaraxan.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxan lagu dilay Gudoomiyaal degmo, agaasimayaal sidoo kale lagu dhaawacay Gudoomiyaha gobolka Banaadir, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in xarunta gobolka ka fuliyeen howlgal gaar ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -