Xukuumada Itoobiya oo ka carootay hadal ka soo yeeray dowlada Maraykanka

Itoobiya ayaa ka codsatay Mareykanka in uu joojiyo faafinta waxa ay ugu yeertay wararka been abuurka ah ee ka dhanka ah dalkaas.

Wasiiru dowlaha isgaarsiinta Itoobiya ayaa muujiyey sida ay dowladiisu uga xun tahay hab dhaqanka Maraykanka.

Warkan ayaa soo baxay kadib markii Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay soo saartay digniin ku saabsan weerarro argagixiso.

Wasiiru dowlaha isgaarsiinta, Kebede Dessisa, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay tahay inay ka fogaato baahinta warar been abuur ah oo ceeb iyo sumcad dil ah oo ku saabsan Itoobiya,”

Waxa uu soo hadal qaaday bayaan ka soo baxay safaarada Maraykanka Talaadadii kaasoo ku booriyay muwaadiniinteeda in ay la yimaadaan feejignaan dheeraad ah, sababtuna ay tahay suurtogalnimada weerarro argagixiso oo ka dhaca Itoobiya”.

Ciidamada Itoobiya iyo xoogagga fallaagada ah ee ka soo jeeda gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi ayaa in ka badan hal sano dagaallamaya, waxaana dagaalkaas uu galaaftay kumanaan qof, halka malaayiin kalena ku barakiciyeen.

- Advertisement -