Tirada tahriibayaasha sanadkan ku dhintay badda Mediterranean oo la shaaciyey

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in dad lagu qiyaasay 1,600 oo qof ay ku dhinteen ama lagu waayay badda Mediterranean-ka, taasoo ah marinka ugu weyn ee ay Yurub ka galaan tahriibayaasha.

Dhimashada ayaa ka badan tii sanadkii hore, iyadoo Ururka Socdaalka ee caalamiga ah IOM ay qiyaastay in 23,000 oo qof ay dhinteen tan iyo 2014 iyagoo isku dayaya inay badda Mediterranean-ka uga gudbaan doonyo tayo ahaan liita ama kuwa caagga ah.

Muddadaas toddobada sano ah, qiyaastii 166 qof ayaa ku dhintay kannaalka u dhexeeya Ingiriiska iyo Faranksiiska ee English Channel.

85 qof ayaa ku dhintay badda u dhexeysa Talyaaniga iyo Liibiya Toddobaadkii hore oo kaliya laba shil oo kala duwan oo halkaas ka dhacay.

Flavio di Giacomo afhayeenka IOM ee Talyaaniga ayaa sheegay in sababta ay warbaahintu u hadal heyso shilka ka dhacay inta u dhexeysa UK iyo Faransiiska ee ay ku dhinteen tahriiyayaal gaaraya 30 ay tahay dhawaanshaha, iyo in shilalka noocaan ah ay markii hore ka dhici jireen meelo ka baxsan xuduudaha qaaradda Yurub.

 

- Advertisement -