Yariisow oo isaga oo Ilaalo badan wata booqasho ku tagay qaar kamid ah Isgoosyada Muqdisho (Sawirro)

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa dhalinyarada ku nool Caasimadda ku boggaadiyey sida wanaagsan ee ula shaqeeyaa Ciidanka Amniga ka shaqeynaya.

Guddoomiyaha oo xalay booqasho ku tagey qaar kamid ah isgoysyada ugu muhiimsan magaalada Muqdisho ayaa soo arkay howlgallo ay wadeen Ciidanka Amniga. Waxuna halkaas kula kulmay dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku caweynayay waddooyinka, kana wareystay xaaladdooda iyo sida uu yahay ammaanka degaanka.

“Dhalinyarada Caasimadda oo aan caawa la sheekeystay waxay igu farxadgeliyeen sida ay u jecelyihiin Madaxdooda iyo sida ay gacanta ugu siinayaan ciidanka amniga”.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa ku adkeeyey bulshada ku nool Muqdisho in ay sii xoojiyaan la shaqeynta hay’adaha ammaanka, maadaama ay u shaqeynayaan sidii cadowga baneystay dhiigga shacabka looga hortagi lahaa.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo weheliyaan Wasiirka Amniga ayaa kormeer ku tagey xarunta 991 ee Booliiska, isagoo ku dhiirigeliyey howllaha muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan, gaar ahaan howlgalo ay shacabku ku soo wargeliyeen Booliska oo lagu soo qabtay dhagar-qabayaal ka tirsan argagixisada.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulkiisu uu ahmiyad gaar ah siiyey isku xirka shacabka iyo ciidanka, iyadoo uu qeyb weyn ka qaadatay barnaamijka dariseynta oo bulshada isku xiray.

- Advertisement -