Meydadka tahriibayaal ku sii jeeday Yurub oo laga helay badda Mediterranean

Doon ay la socdeen tahriibayaal ku sii jeeday Yurub ayaa ku degtay badda Mediterraneanka ee ka baxsan xeebaha Tunisia.

Maraakiibta ilaalada xeebaha ee Tunisia ayaa meydadka 20 qof ka soo saaray magaalo xeebeedka Safax ee bartamaha Tunisia maalintii Khamiistii sida ay saraakiishu sheegeen

Waxaa weli socda baadigoob loogu jiro ugu yaraan 20 kale oo wali la la’yahay, halka shan qofna la soo badbaadiyay.

Doonta oo ay la socdeen dad tiradooda lagu qiyaasay 45 qof ayaa la sheegay inay ka yimaadeen wadamada ka hooseeya Saxaraha Afrika, waxayna doonayeen in ay gaaraan dalka Talyaaniga.

Doonida oo uu culeys badan saarnaa isla markaana xaaladdeedu liidatay, ayaa waxaa soo food saaray dabeylo xoog leh oo sababay degitaankeeda sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka la soo badbaadiyey.

Muhaajiriin Kumanaan gaaraya ayaa sanad walba isku daya inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka si ay ugu sii gaaraan Yurub, iyadoo qaybo ka mid ah Tunisia iyo Libya ay yihiin goobo muhiim ah oo ay ka baxaan dadka muhaajiriinta ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -