Allbanaadir.com
NEWS

Iska hor imaad khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Iska horimaad geestay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay xaafad katirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Sida aan wararka ku helnay iska horimaadka ayaa dhax maray ciidamo booliis iyo kuwa milatari ah kuwaa oo la sheegay in ay isku hayeen dhul lagu muran sanyahay oo kuyaala degmada Kaaraan.

Inta la xaqiijiyay labo qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday iska horimaadkan maanta dhax maray ciidamada kawada tirsan dowlada Soomaaliya halka ay ku dhaawacmeen sadex qof oo kale.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in wali xiisad ka jirto goobta lagu dagaalamay oo ah dhul banaan oo lahaanshihiisa lagu muransan yahay, waxa ayna xuseen in dagaalku yimid kadib markii dad damceen in dhulkaasi dhistaan.

Qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dagaalo u dhaxeeya ciidamo kawada tirsan dowlada Soomaaliya oo u abaabulan qaab beeleed iyo kuwa kale oo isku qabta dhul danguud ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

Related posts

Deni uu ku baaqay in la isku diyaariyo doorashada 25-ka May ka dib hadalkii Xassan Shiikh

Caydiid Ali

Isbitaalka caalamiga ah ee Muqdisho oo soo kordhiyey qalabka qaliinada casriga ah ee Leysarka (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka Milatariga oo laga saaray Xerada Afisiyooni kaddib Ammar soo baxay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---