Jubbaland oo ku dhawaaqday in xayiraadii ka qaadeen Wasiirada dowlada (Daawo Sawirada)

Golaha Wasiirada maamulka Jubbaland ayaa maanta kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshay magaalada Kismaayo, kadib doorashooyinkii muranka abuuray ee dhawaan ka dhacay magaalada Kismaayo.

Kulanka ayaa looga arinsanayay arimo badan oo dhinaca amaanka iyo xayiraado maamulka soo saaray intii ay socdeen doorashada, waxaana kulanka golaha Wasiirada shir gudoominayay Madaxweynaha dib loo doortay Jubbaland ee Axmed Madoobe.

Golaha Wasiirada ayaa isku raacay in xayiraada dhinaca safarka deegaanada Jubbaland laga qaado masuuliyiinta dowlada federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasiirada katirsan Xukuumada Ra’isul Wasaare Kheyre oo horey looga mamnuucay Kismaayo.

Maamulka Jubbaland ayaa horey u shaaciyay in ay hakiyeen wada shaqeyntii kala dhaxeysay dowlada federaalka Soomaaliya, waxaa sidoo kale Wasiirada Jubbaland soo saareen in deegaanada Jubbaland aysan imaan karin Wasiirada Xukuumada Soomaaliya.

Dowlada feceraalka Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in aysan aqoonsaneyn natiijada kasoo baxday doorashadii ka dhacay magaalada Kismaayo, waxa ayna dowlada ku baaqday in la qabto doorasho u dhacda si xur iyo xalaal ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -