Musharax soo bandhigay Sadex Balan qaad uu ku fashilmay Rooble kadib Safarkii Qadar !

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo bandhigay sadex balan qaad uu ku fashilmay horeyna uu u sameeyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble .

Balan qaadyada uu ku fashilmay Ra’isul Wasaare Rooble ayuu ku sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in ay kala yihiin qabashada Doorasho cadaalad ah, Kiiska Ikraan Tahliil uu cadaalad u helayo iyo kiiska Dhalinyaradii Eritrea loo qaaday.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaana sheegay in fashilka balan qaadyadan uu sameeyay Rooble in ay yimaadeen kadib safar shaki badan abuuray uu Ra’isul Wasaaraha ku tagay magaalada Doha ee caasimada dalka Qadar.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu arintan uga hadlay musharaxa

Raysalwasaare Rooble waxaa lagu aaminnay, isaguna ballan qaaday in uu qabanayo doorashado xalaal ah, wuxuu shacabka u ballanqaaday in uu kiiska Ikraan Tahliil caddaalad u raadinayo.
 
Wuxuu guddi u saaray dhallinyaradii Eritrea loo qaaday, waalidkoodna aysan war iyo wacaal ka helin. Doorashadii waa taas iyadoo odayaashii iyo ergadiiba la aqoon musharraxiintii isdiiwaan gelinayaan. Raggii eedda Ikraan loo haystay waa taa la beri yeelay, wiilashii Soomaaliyeed ee Eretrea ku maqanna warkooda iska daa.
 
Waxaan oo idil waxey dhaceen, kaddib safarkii shakiga dhaliyey ee uu Raysalwasaaruhu dalka Qatar ku tegey. Waxaan kaloo ogeyn in RW Rooble uu qayb ka yahay qorshaha AMISOM dalka looga saarayo. In uu ogyahay terminal khaaska ee Garoonka Aadan Cade ku yaalla ee ay diyaaradaha gaar ah ee Qatar iyo Eretrea ka yimaada ka soo degaan. Ujeedka ugu danbeeyana uu yahay in Al-Shabaab dalka loo gacan geliyo. Mar kale ayaa masiirka dalka iyo majaraha dowlad dhiska la habaabin rabaa.
 
Waxaan shaki ku jirin in folkaanaha cabbursan ee dulmiga, caddaalad darrida, ku tumashada xuquuqda muwaadinta, ku takri falka awoodda iyo hantida ummadda uu qarxi doono, laakiin ma garan karo nooca baaruudda qarxisada ah(trigger) . Waxaa loo baahan yahay dhiirranaan iyo ku dhac looga hortago qaraxa folkaanaha soo socda oo inna wada galaafan doona, sidii Afgaanistaan ama Itoobiya ka dhacday.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -