Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo Arin Muhiim ah kala hadlay Wakiilada Beesha Caalamka

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula qaatay masuuliyiinta Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Wakiilada Maraykanka Ingiriiska iyo Midowga Yurub.
 
Kulanka ayaa intiisa badan diirada lagu saaray loogana hadlayay arimaha Doorashooyinka gaar ahaan bilaabida Doorashada golaha shacabka oo dib uga dhacday marar badan waqtigii loo qorsheeyay.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaana Axmed Madoobe u sheegay in muhiim tahay in uu deg deg u bilaabo doorashada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka si looga gudbo muranka ka dhashay dib u dhaca doorashada.
Madaxweynaha Jubbaland ayaana u sheegay Wakiilada Beesha Caalamka in maamulkiisa ku jiro diyaar garowgii ugu dambeeyay bilaabida doorashada golaha shacabka , waxa uuna u balan qaaday qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.
Maamulada Jubbaland, Puntland iyo Hirshabelle ayaan wali guda galin doorashada golaha shacabka, halka maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed soo bandhigeen dhoor kursi oo doorashadooda la bilaabayo inkastoo aysan wali wax doorasho ah qaban.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Odayaal kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo dhax dhaxaadin u gaaray Hargeysa

Cabdi Cade

Siyaasi Digniin u diray Madaxda Dowlada Federaalka xili xiisad Siyaasadeed ay jirto

Cabdi Cade

Afgembi ka dhacay dal kuyaalla Qaarada Afrika iyo Waddamo badan oo dhaleeceeyay Afgambigaasi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---