Amaanka Muqdisho oo faraha kasii baxaya iyo Cabsi hor leh oo soo korortay

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa u muuqda xiligan mid faraha kasii baxaya, waxaana qeybo badan oo kamid ah caasimada kusoo kordhaya dilal qorsheesan oo shaqsiyaad gaar ah loo geesanayo iyo qaraxyo.

Bishan November magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay qaraxyo tiro badan iyo dilal loo geestay dad shacab ah iyo sidoo kale dad u shaqeeya dowlada oo isugu jira askar iyo shaqaale caadi ah.

Dadkii geestay dilalka ayaa inta badan baxsaday marka laga reebo hal nin oo dil ka geestay degmada Dharkeenley oo isna ciidamada amaanka dileen, waxaana hada laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan dilalka iyo qaraxyada magaalada ka dhacaya.

Ciidamada amaanka gaar ahaan booliiska iyo Nabad sugida ayaan wali qaadin talaabooyin looga hortagayo qaraxyada iyo dilalka kusoo badanaya Muqdisho, waxaana xalay qaraxii ugu dambeeyay lagu dilay Wariye caan ahaa oo lagu magacaabayay Cabdicasiis Afrika.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaana kusii kordhay cabsida iyo walaaca ay ka qabaan qaraxyada iyo dilalka kusoo batay magaalada Muqdisho, waxa ayna inta badan shacabku iska warsanayaan xaalka magaalada xiligan kala guurka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -