Abiy Axmed oo Shaaciyay sida kaliya Itoobiya uga bixi karto Khatarta hada ka jirta .

Dalka Itoobiya ayaa xiligan waxaa ka socda dagaalo sukeeye oo sababay dhimashada kumanaan qof iyo barakaca dad kale oo tiro badan, waxaana dagaalka Itoobiya laga cabsi qabaa in uu kusii fido caasimada iyo deegaano kale oo hor leh.

Dowlada Itoobiya ayaa wada abaabulo ay kaga hortageyso duulaanka kooxda TPLF iyo kooxaha kale ee taabacsan, waxa ayna Xukuumada Abiy Taageero iyo garab is taag ka dalbatay dadka gudaha IToobiya jooga iyo kuwa qurbaha.

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa qoraal uu soo dhigay barihiisa bulshada taagerero ku weediistay shacabka Itoobiya ee jooga dalka iyo dibadiisa, waxa uuna cadeeyay xalka kaliya ee looga bad baadi karo khatarta jirta in ay tahay midnimo.

”Walaalahayga Itoobiyaanka ah ee halkan jooga iyo kuwa qurbaha jooga, doorka aad ku leedihiin inaad runta u sheegtaan waa mid ammaan mudan. Midnimo, waxaynu kaga gudbi karnaa khatarta jirta ee ummaddan soo jireenka ah ay kala hortagayaan ciidammo fog & kuwo dhow.” ayuu yiri Abiy Axmed.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa marar badan ugu baaqay shacabka Itoobiya in ay hubka qaataan sidoo kale taageeraan dowladooda si looga hortago in dalka qabsadaan bur burna u horseedaan kooxda TIgreyda ee TPLF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -