Saraakiil Ciidan iyo dad kale oo loo xiray Shirqool lagu dili lahaa Madaxweyne Rajoelina

Ciidamada amaanka dowlada Madagaskar ayaa xiray 21 qof oo kale oo la tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen shirqool afgrmbi oo lagu dili lahaa madaxweyne Andry Rajoelina, waxaana dadkan la xiray ku jira saraakiil ciidan.

Mid kamid ah dacwad oogayaasha dowlada ayaa Warbaahinta u sheegay in xubnahan lasoo xiray kadib baaris iyo dabadal lagu sameeyay, waxa uuna xusay in dadkan la horgeyn doono maxkamad si cadaalada loo marsiiyo.

Dadkan ciidamada amaanka Madagaskar xir xireen waxaa ku jira  shan jeneraal oo ka tirsan ciidamada milatariga dalkaasi, laba kabtan iyo shan sarkaal oo kale,  Berthine Razafiarivony, oo ka tirsan maxkamadda racfaanka.

“Caddeymaha muuqda ee ku jira gacanta dambi baarayaasha waa kuwa xooggan, waxayna suurta-geliyeen in la aqoonsado kuwa ka dambeeya howlgalka,” ayey tiri Razafiarivony oo katirsan maxkamada racfaanka.

Dowlada Madagaskar ayaa horey u xirtay lix qof oo sidoo kale lagu tuhmay kiiskan afagmbiga fashilmay , waxaana dadkaasi la xiray ku jira muwaadin u dhashay dalka Faransiiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -