Al-Shabaab: “C/casiis Afrika muddo dheer bay Mujaahidiintu ku raad joogeen”

Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay weerar ismiidaamin ah oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo lagu dilay agaasimihii Radio Muqdisho Cabdi Casiis Maxamed Guuleed Africa.

Afhayeenka dhinaca howlgalada ee Al-shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa xaqiijiyey iney ka dambeeyeen weerarkaas.

“Mujaahidiintu waxay caawa fiidkii fuliyeen weerar ka dhacay Magaalada Muqdisho. Weerarkaasoo ahaa camaliyad ishtish-haadi ah ayey la beegsadeen masuuliyiin uu ka mid yahay Cabdi Casiis Afrika” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray afhayeenka

Abuu Muscab ayaa intaas ku daray iney muddo dheer ku raad joogeen C/casiis Afrika.

“Cabdicasiis Afrika ayaa in muddo ah waxaa ku raad joogay Mujaahidiinta, isagoo loo haystay dambiyo dhawr ah oo uu ka galay Islaamka, iyo inuu ku lug lahaa dilal loo gaystay rag Mujaahidiin ah” ayuu intaas ku daray abuu Muscab.

“Mujaahidiinta ayaa Ilaahay mahadiis ugu dambeyn caawa soo afjaray nolosha Cabdi Casiis Afrika, waxaana dilkiisu uu aargud u yahay dhamaan raggii Mujaahidiinta ahaa ee uu ka dambeeyay ama ku lug lahaa dilkooda, raggaas oo uu kamid ahaa Allaha shahaadadiisa haka aqbalee Xassan Xanafi Xaaji”. ayuu sidoo kale yiri abuu Muscab

Al Shabaab ayaa ugu dambeyntii ku goodisay inay beegsan doonto cid waliba oo af ama adin kula dagaalantay nidaamkooda.

“Mujaahidiintu waa rag aan aanadooda ilaawin. Waxay mar kale u cadaynayaan cid walba oo cadaw ku ah Islaamka iyo Muslimiinta inaysan sinaba uga baxsan doonin ciqaabta Mujaahidiinta. Cid walba oo af ama adin kula dagaalanta Mujaahidiintana, ha dhawaato ama ha dheeraatee, waxaa jiri doonta maalin ay dhadhamin doonto xanuunka geerida iyo miraha qaraar ee ay beeratay, gacanta dheer ee Mujaahidiintuna ay soo qaban doonto insha-Allaah” ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Abu Muscab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -