Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab oo dagaal kula wareegtay caawa degaan ka tirsan Sh/hoose

Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ayaa la wareegay Tuulada War-maxan ee gobolka Sh/hoose, kadib dagaal dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda oo gacanta ku hayay halkaasi.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab ay caawa la wareegeen tuuladaasi, isla markaasna ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin meel aan ka fogeyn halkaasi, lamana oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa la sheegay in askar ka tirsan ciidanka dowladda ka afduubteen degaanka Tabeelaha Maama-caliyow oo 20-km u jira degmada Wanla-weyn.

Afduubka askartaan ayaa ka dambeysay kadib kadib markii Al-shabaab ay weerareen gaadiid ay ciidankaas la socdeen oo dhuxul waday.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Al-shabaab ay dileen 3 qof oo shacab ah, ayna gubeen 2 gaari oo mid ka mid ah yahay gaari weyn.

Saraakiisha ciidamada xoogga iyo Maamulka gobolka Shabeellada Hoose ayaan weli ka hadlin afduubkan loo geystay ciidamadan ka tirsan dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Dalka Kenya iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Nin Qorsheeyay fulinta qarax oo lagu qabtay Kampala iyo Booliiska oo ka hadlay

Cabdi Cade

Weeraro ku soo wajahan goobo ka tirsan Muqdisho & digniino adag oo la soo saaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---