Wasiirkii Arrimaha dibadda Somalia oo ka hadlay sababaha xilka loo qaaday

Wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa ka hadlay sababta ka dambeysa xil ka qaadista uu Rooble ku sameeyey galabta

Maxamed Cabdulrasaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa wax layaab leh ku tilmaamey hannaankii iyo war gelin la’aantii lagu sameeyey xil ka qaadistiisa,

Maxamed Cabdirisaaq ayaa xusay inuu jiray khilaaf uusan faahfaahinin oo soo kala dhex-galay isaga iyo madaxda qaranka, isagoo tilmaamay in wax kasta ay ku haboonaayeen in si hoose xaliyo balse aysan taas dhicin.

Waxaa uu sheegay in talaabada xilka looga qaaday ay aheyd mid lama filaan ah oo uu Farmaajo ka dambeeyey

“Kuwo hoose oo noo gaar ah ayey ahaayeen Hadii ay jireen wax dhaliilo ah, shaqadeyda si daacad ah ayaan u gudanayey, waana la yaabay xil ka qaadisteyda, todobaad ka hor anigoo qaba tabasho la xariirta shaqada ayaan  u bandhigay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha haddii ay jecelyihiin inaan shaqada ka tagayo, balse labaduba waa iga diideen waxayna igu yiraahdeen arrimaha aad tabaneyso waa la xalinaa, kadibna waxaa ku xigtay xilka qaadistan oo runtii igu noqotay arrin la yaab leh,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq.

Wasiirkani ayaa hayey xilkani muddo sanad ah, iyadoo uu yahay mas’uulkii saddexaad ee qabta jagadaasi ee wasaaradda arrimaha dibadda, tan iyo markii la doortey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sanadkii 2017-kii.

Waxaa soo marey wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, tan iyo sanadkii 2017 ee dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo afar mas’uul.

Waxaa ugu horeeyey Ambassador Yuusuf Garaad Cumar Axmed, Axmed Ciise Cawad, Maxamed Cabdulrasaaq Maxamuud Abuubakar. Cabdulcasiis Muuse Cali, waa mas’uulkii afraad ee loo magacaabo jagadani.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -