Rooble oo xilka ka qaaday Wasiirka Arimaha Dibadda Wasiiro kalana isku bedelay

Raisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhaw xilka ka qaaday Wasiirkii arimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq.

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS ugu magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Halka Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda loo magacaabay mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale isku baddelay labada wasiir ee kala ah Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) oo loo magacaabay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa iyo
Xuseen Maxamed Sheikh Xuseen (Badni) oo loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud Guriyeynta iyo Dib u dhiska.

Wasiirka cusub arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ahaa lataliyihii hore ee Amniga Qaranka Madaxweybe Farmaajo sidoo kale dhawaan loo magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada

- Advertisement -