Rooble oo Gudoomiyay Shir ay yeesheen Golaha Wasiirada DF & kuwa Galmudug (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka wadajir ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada Wasiirrada XFS iyo Galmudug.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray wadashaqeynta Hay’adaha Federaalka iyo Dowlad-goboleedka Galmudug.halka warbixinno looga dhageystay ku saabsan doorashooyinka, xaaladda amniga Galmudug , iyo wax ka qabaahada abaaraha ka jira Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa baaq u diray beesha caalamka sidii ay gacan uga geysan lahaayeen abaaraha iyo biyo la’aanta kusii baaheysa deegaanada Galmudug.

Raisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo socdaal maalmo qaatay ku jooga magaalada Dhuusomareeb ayaa halkaasi kawada kulamo lagu dar dargalinayo Doorashada Golaha Shacabka.

- Advertisement -