Qaybtii 2aad :- Xusuustayda Waxqbadkii Xassan Cali Khayre intii aan Joogay Xafiiskiisa

Xoojinta Amniga:- Raisul Wasaare Khayre waxay xukuumadiisa tirakoob iyo dib u habeyn ballaaran ku sameysay ciidamada Qaranka, waxaana meesha laga saaray qiyaastii 10kun oo ahaa ciidamo beenaad aan jirin, waxaana la meel mariyey sharciga xaqsiinta ciidamada, iyadoo sare loo qaaday mushaharka iyo xuquuqaha kale ee ciidanku leeyihiin si ay waajibaadka Qaranka si hufan ugu gutaan, waxaana ciidanka amniga laga saaray nabad sugidii hubeysneyd, waxaana la xoojiyey sirdoonka.

Sidoo kale, mudadii uu Khayre xafiiska joogay waxaa la bedelay qaab dhismeedka ciidamada, iyadoo hogaanka ciidamada loo dhiibay dhalinyaro iskugu jira rag iyo dumar aqoon durugsan u leh fulinta howlgalada, taasoo sababtay in dalka gaar ahaan caasimada la xasiliyo, uuna hoos u dhac weyn ku yimaado qaraxyada iyo dilalkii faraha badnaa ee horey uga jiray. Kala horeynta cududa ciidamada waxay Soomaaliya sanadkii 2020 ka soo gashay kaalin wanaagsan gaar ahaan qaarada Afrika.

La dagaalanka musuqa :-

Ka hor inta aysan xafiiska imaanin Xukuumada Khayre waxaa sanadkii la lunsan jiray lacag gaareysa 100 milyan oo dollar, hase ahaatee si loola dagaalamo musuqa baahsan ee ka jira heyadaha dowlada. Khayre ayaa ku guuleystay ansixinta sharciga la dagaalanka Musuqa, waxaa la hakiyey qandaraasyo fara badan oo lagu bixiyey si aan xalaal aheyn, waxaa musuq iyo wax isdaba marin loo xiray masuuliyiin dowladeed oo ay ku jiraan wasiiro iyo kuwo kale oo xilal sare hayey.

Dedaaladaas waxay sababeen in musuqu hoos u dhaco, daqligii dowladu kordho. kobac dhaqaale, miisaaniyada dowlada oo la kordhiyey, si joogto ahna loo bixiyo mushaharka ciidamada iyo shaqaalaha kale ee dowlada iyo waliba qarashaadka lagu socodsiiyo howlmaalmeedka xafiisyada dowlada, waxayna sidoo kale xukuumadu bixisay deyn gaareysa 100 milyan oo looga lahaa gudaha, taasoo ay qaateen dowlidihii ka horeeyey, waxaana meesha laga saaray in deyn cusub la qaato.

Deyn cafinta & guusha laga gaaray:-

Khayre oo garowsan in guusha laga gaaray dib u dhiska iyo horumarka dalka ay ku xiran tahay kobaca dhaqaalaha ee guuleystay hagaajinta nidaamka dakhli ururinta iyo qarash bixinta, meel marinta 10 sharci oo qeyb ka ahaa shuruucda deyn cafinta, joojinta bixinta lacagaha kaashka ah, dhammaan lacaguhuna maraan akoono, joojinta dakhliga ay ururin jireen 21 Wasaaradood iyo shirkado gaar loo leeyahay iyo in Wasaarada Maaliyadu ay noqoto mida kaliya ee u xilsaaran dakhli ururinta

Sidoo kale, waxaa la hirgeliyey golaha dhaqaalaha Qaranka, Bankiga dhexe ayaa horumarin lagu sameeyey ka dib safar dheer, shaqo adag iyo adkeysi Xassan Khayre u maray dib u dhiska hanaanka dhaqaalaha iyo buuxinta 94 Shuruudood oo khuseeya geeddi socodka hanaanka deyn cafinta, waxaa 30 sano ka dib la gaaray guushii ugu weyneyd oo ka dhigan in mar kale la xoroobay, waxaana 25kii bishii Maarso sanadkii 2020 la baabi’iyey deynta heyadda IMF, Bankiga adduunka iyo Bankiga horumarinta Afrika ku lahaayeen dalka, waxaana Soomaaliya ay si buuxda ula soo noqotay xiriirkii iyo iskaashigii ay la laheyd heyadaha dhaqaalaha adduunka iyo aaminaadii lagu qabay, waxaa go’aanka maalintaas ay ku dhawaaqday IMF uu horseeday inuu kordho dakhliga dowlada. dalkuna uu helo xuquuqda iyo saamiga uu ku leeyahay heyadaha dhaqaalaha iyo kuwa horumarinta adduunka, ganacsataduna ay fursad u helaan maalgeshi. isla markaana uu fududaado xiriirka bankiyada gudaha iyo dibeda.

Adiga Sidee u aragtaa ….?
La soco Qaybta 3 aad Insha Allah
W/Q/ Abdirahman M Hussein
Mugadisho-Somalia

Hoos ka Aqriso 

Qaybta 1 Aad :-Xusuustayda waxqbadkii Xassan Cali Khayre Inta aan Joogay Xafiiska !!

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -