Maxaabiistii Al Shabaab ee ka baxsatay Xabsiga Nairobi oo lasoo qabtay iyaga oo…

Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa gacanta kusoo dhigay sadex maxbuus oo xukuno dhaa dheer ku xirnaa ka baxsaday xabsi si weyn amaankiisa loo ilaaliyo oo kuyaala magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Dowlada Kenya war kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ay ciidamada amaanka soo qabteen sadexdii nin ee ka baxsaday xabsiga Kamiti iyaga oo usii gudbaya dhinaca Soomaaliya, waxaana maxaabistan lagu qabtay Enzio ee Mwingi .

Maxaabiista ciidamada Kenya dib usoo qabteen ayaa waxaa kamid ahĀ  Maxamed Cali Abiikar oo ku xukunaa 41 sano, waxaana ninkan loo heystay weerarkii lagu qaaday jaamacadda Gaarisa 2015 oo ay ku dhinteen ku dhawaad 150 qof.

Raga kale ee lasoo qabtay ayaa waxaa kamid ah Ā Musharraf Abdalla Akhulunga,iyo Joseph Juma Odhiambo , waxaana ragan dhamaan loo heestaa in ay kamid ahaayeen kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Maxaabiistan baxsadka ahaa ee la qabtay ayaa wararku sheegayaan in loo qaaday magaalada Nairobi ee caasimada Kenya gaar ahaan xabsigii ay ka baxsadeen oo dib loogu celinayo.

Dowlada Kenya ayaa xirtay saraakiil katirsan ciidamada Asluubta gaar ahaan kuwii ka shyaqeenayay xabsiga ay ragan ka baxsadeen, waxaa sidoo kale xilka laga qaaday taliyihii ciidamada Asluubta Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -