Allbanaadir.com
NEWS

Wasaarada Gaashaandhiga Somalia oo soo bandhigtay tirada rasmiga ah ee ciidanka Milateriga

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa sheegtay in la dhammaystiray wejigii hore ee qiimaynta diyaarinta ciidanka Soomaalida.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in qiimaynta lagu ogaaday tirada ciidanka diiwaangashan oo uu sheegay inay dhan yihiin 26 kun oo askari, isagoo dhinaca kale faahfaahin ka bixiyey cududda ciidanka, hoggaankooda, saanadda iyo tababarrada.

Wasiirka ayaa sheegay in qiimayntan ay muujinayso in ciidanka badidiisi ay diyaar yihiin inkastoo uu qiray inay jiraan meelo ay guutooyinku tiro ahaan dhiman yihiin.

Isagoo ka hadlayey qalabka ay ciidanka Soomaalidu haystaan ayuu sheegay in cunaqabataynta Qaramada Midoobay ay garbaduubtay awooddii qalab iyo hub ee ciidanka Soomaaliyaa, waxaana uu ku baaqay in dawladda Soomaalida loo oggolaado inay hub soo iibsan karto.

“Ciidanka Xoogga dalka dhisme ahaan meeshii ugu hagaagsaneyd buu marayaa, balse nasiib darada jirta waxay tahay ma heystaan qalab dhameystiran oo ay kula dagaalamaan caddowga taasna waxaa ugu wacan xanibaada hubka ee Somalia saaran” ayuu yiri wasiirka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa lagu daahfuray Munaasabada uu xalay Cali Guudlaawe ku qabtay Jowhar? (Sawirro)

Caydiid Ali

Turkiga oo $6 Milyan ku bixinaya safaarad cusub oo Somalia loga dhisayo Ankara

Caydiid Ali

Xildhibanada cusub ee Jubbaland oo la dhaariyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---