Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Beesha caalamka oo shuruudo cusub ku xiray bixinta dhaqaalaha doorashada

Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway ayaa ayaa shuruud ku xiray bixinta dhaqaalaha ku baxaya doorashada ee ay horay Beesha Caalamka u balanqaaday.

Qoraalo ay dowladahan u direen Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddiyda doorashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa waxay dalbadeen in qeybta ugu horreysa ee dhaqaalaha ay bixinayaan marka ay muuqato doorashada inay si habsami ah u socoto, kana bilaabato saddex dowlad goboleed, lacagaha khidmada Musharaxiintana lagu soo shubo Bankiga Dhexe.

Qeybta labaad ee dhaqaalaha ayey qoraalkooda ku sheegeen iney bixin doonaan markii saddex meelood labo meel la dhameystiro doorashada golaha shacabka.

Saddexda dowladood ayaa sheegay inay bixinayaan lacagta dheeriga ah 3.7 milyan dollar oo ay dalbadeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiga doorashada heer Federaal.

Talaabadan oo weji gabax ku ah DF ayaa muuqata sida beesha caalamku ay uga niyad jabsan tahay gaabiska ay ku socoto doorashada golaha shacabka Somalia.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA AY SOO SAAREEN

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo maxaa la gudboon Hadii ay kasoo horjeestaan Rooble, Qoor Qoor iyo Guudlaawe?

Cabdi Cade

War cusub oo kasoo kordhay Haweeneydii la sheegay in ay dhashay 10 cunug oo mataano ah

Cabdi Cade

Maxkamada ICC oo dalbatay in la soo xiro Raisul Wasare Netanyahu & Wasiirkiisa Difaaca

Caydiid Ali
Taboola Ads ---