Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Rooble oo balanqaad u sameeyey Ciidanka Xoogga dalka ee ka howlgala Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen ayaa booqasho dhiirigelin ah ugu tagay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Galmudug.

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ee ka howlgala deegaannada Galmudug ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyey howlgallada ay Al-shabaab kaga xoreynayaan goobaha ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ammaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxaha Nabad-Diidka. sida uu yiri Isagoona balan qaaday in xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siin doonto wax ka qabashada baahiyahooda.

Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku weheliyey Madaxweynaha Dowlad-goleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Wasiirro, Xildhibaann iyo madax heer federaal iyo dowlad-goboleed ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xuutiyiinta oo soo riday Diyaarad lagu qiimeeyay lacag aad u badan

Cabdi Cade

Haabiil Axmed Cabdullaahi oo lagu dilay Canada iyo Hubkii lagu dilay oo la helay

Cabdi Cade

Doorasho dowlada Itoobiya aysan raali ka aheyn oo ka bilaabatay gobolka Tigrey

Cabdi Cade
Taboola Ads ---