Allbanaadir.com
NEWS

Xuseen Kuulow Maxamed oo caawa lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa caawa ku dilay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho nin ka mid ahaa ganacsatada Suuqaas.

Marxuum Xuseen Kuulow Maxamed ayaa ka mid ahaa dadka ka ganacsada Xabadu sowdada, Malabka iyo waxyaabaha soo raaca, waxaana marxuumka lagu dilay isgoyska Bakaaraha caawa salaadii maqrib ka dib.

Ragga dilay marxuumka ayaa markiiba goobta ka baxsaday, ciidamada amaanka ayaana halkaas gaaray markii dambe inkastoo aysan ku guuleysan iney qabtaan nimanka wax dilay.

Lama oga illaa hadda sababta loo dilay marxuumkan iyadoo eheladiisu sheegeen iney ineysan ogeyn cida ka dambeysay dilkiisa, aysana jirin sabab ay tuhmayaan in loo beegsaday.

Dilalka iyo qaraxyada ayaa maalmahan ku soo batay magaalada Muqdisho, saacado ka hor ayeyna aheyd markii qaraxyo loo adeegsaday gaadiid miineysan ay ka dhaceen duleedka Muqdisho kuwaasoo ay ku dhinteen ku dhowaad 10 ruux oo u badnaa dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo Go’aan adag ka qaadatay Deeqaha loo soo mariyo Dowlada Soomaaliya

Cabdi Cade

Madaxweynaha Israel oo ka baqay inuu booqdo dalka..

Caydiid Ali

Turkiga Oo Muwaadiniinta kasoo jeeda Sadex Dal u Diiday in ay u Dhoofaan Belarus

Cabdi Cade
Taboola Ads ---