Allbanaadir.com
NEWS

Generaal Fulvio Poli oo magaalada Muqdisho laga sagootiyay

Taliska Ciidanka xoogga Dalka ayaa xalay magaalada Muqdisho ku qabtay munaasabad lagu sagootinayay taliyahii hore ee howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM) Gen, Fulvio Poli, kaas oo dhawaan xilkii uu hayay ka idlaaday.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa u mahadceliyay Gen, Fulvio Poli, waxuuna ku amaanay xil gudashadiisa muddadii uu ku sugnaa gudaha Soomaaliya, waxuuna u rajeeyay mustaqbal wannaagsan.

Taliyaha cusub ee howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya waxaa dhawaan loo soo magacaabay Giuseppe Zizzari, taliyahan ayaana xilka  kala wareegay Gen, Fulvio oo sagootiin qiima sara leh loogu sameeyay Magaalada Muqdisho.

Saraakiil  sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, Turkiga, Mareykanka iyo Howlgalka nabbad ilaalinta ee ATMIS ayaana goobjoog ahaa munaasabadda sagootinta taliyahii hore ee howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
.

Related posts

12 Maraykan ah iyo 60 reer Afghanistan ah oo lagu laayey qaraxyadii Kabul (Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) Jadwalka & Shuruudaha Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiyada Sare oo la soo saaray

Caydiid Ali

Boqorka ugu awooda badan Qaarada Afrika oo bedelay magaca dalkiisa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---