Masuul ka tirsan Maamulka degmada Waaberi oo dhaawac culus loo geystay

Guddoomiyihii Waaxda 1-da Maajo oo ka tirsan degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka loo geystay dhaawac culus.

Cabdi Olol ayaa waxaa saaka rasaas ku furay rag hubeysan xili uu marayey agagaarka Suuqa beerta ee degmada Waaberi sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah.

Masuulkan ayaa la sheegay iney rasaastu ka haleeshay daanka, ayna ka baxday qoorta, waxaana xaaladiisa lagula tacaalayaa Isbitaal ku yaalla Muqdisho isagoo ku jira xaalad miyir beel ah ama ogaal la’aan sida ay allbanaadir Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Waaberi.

Falkan ayaa ku soo aadaya labadii habeen ee la soo dhaafay ay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir oo ay ku jirto Waaberi ay ay ka socdeen howlgalo culus oo ay wadeen ciidamada amaanka, kuwaasoo lagu xoojinayey amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -