(Sawirro) DF oo qalab muhiim ah u qeybisey Masaajido ku yaalla Muqdisho

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukumadda sederaalka Soomaaliya ayaa maalintii labaad oo xiriir ah magaalada Muqdisho kawada ololaha waxyigalinta ka hortaga cudurka safmarka ah ee covid-19 waaxaana qaar ka mid masaajida caasima ay u qeybiyeen cod baahiyaal sameecado maaska afka lagu xerto iyo agabyo kale oo loogu talagalay ka hortaga cudurkaasi covid-19

Jameecadaha ku xeran masaajida Degmooyinka Cabdicasiis iyo Shangaani ayaana maanta la gaarsiyay si dadla looga wacyigaliyo qatarta uu leeyahay cudurkaan Karoona Feyrus.

Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukumadda federaalka Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo la hadalay warbaahinta ayaa sheegay in ololahaan uu socon doono ilaa muddo sideed isbuuc ah, sidoo kale waxaa uu dadka ugu baaqay in lakala fogaado si loo illaaliyo badqabka bulshada.

“Agabkaan waxaan ugu talagalnay inaan ku illaalino bad-qabka jameecada masjidka imaaneysa waxaan loo baahanyahay inay isticmaalmaahn af xerashada si looga fogaado faafitaanka cudurkaan safmarka ah ee Covid-19 sidoo kale waa inay dadka kala fogaadaan”Ayuu yiri Wasiir Sheekh Nuur.

Agabka af xerashada ee maanta dadka loo qeybiyay ayaa ah kuwa dalka kudahiisa lagu sameeyay waxaana ay qeyb-ka yihiin guud ahaan ololaha wacyigalinta bulshada ee ka hortaga cudurka safmarka ah ee Covid-19 waxaana sidoo kale Wasaaraddu ay sheegtay inay  gaarsiinayaan dhammaan Masaajida ku yaalla Caasimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -