Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Axmed Madoobe oo maanta ku wajahan Garowe & Xog ku aadan ujeedka safarkiisa

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta la filayaa inuu booqasho ku tago Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Axmed Madoobe ayaa kulamo Garoowe kula yeelan doona Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni waxaana Labada mas’uul si gaar ah uga wada-hadli doonaan doorashada Golaha Shacabka iyo guud ahaan xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka.

Kulanka Madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan la guda galayo  doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Somalia.

Labada hogaamiye ayaa waxaa ka dhexeeya isxulufeysi la xiriira arrimaha siyaasada dalka iyo doorashooyinka.

Warar goor dhow na soo gaarayna waxay sheegayaan in Madaxwaynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ka ambabaxay garoonka dayuuraha Magaalada Kismaayo isagoo ku sii jeeda Magaalada Garowe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Agaasime Koofi oo ka hadlay isbedelka socdaalka ee ay ku dhaqaaqday Kenya

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo shaaciyay in ay ogyihiin dad xiriir la leh Argagaxisada oo…

Cabdi Cade

Masuul loo diiday in uu gudaha u galo garoonka diyaaradaha Ugaas khaliif iyo Warar kale oo xul ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---