Wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Liibiya oo u tartamaya Xilka Madaxweynaha

Dalka Liibiya waxaa lagu wadaa in bisha December ee sanadkan ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha dalkaasi, waxaana xilkaasi ku tartamaya oo olole xoogan hada ugu jira siyaasiyiin badan oo qaarkood caan yihiin.

Musharaxiinta isku soo taagay qabashada xilka Madaxweynaha dalka Liibiya waxaa ku jira wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Liibiya Mucammar Qadaafi, waxa uuna wiilkan doonayaa in talada Liibiya mar kale qoyskiisa dib ugu soo celiyo.

Seif Al Islaam Qadaafi oo 49-sano jir ah ayaa bilaabay ololaha doorasho uu ku doonayo in Madaxweyne uga noqdo dalka Liibiya, waxa uuna siyaasigan isku diiwaan galiyay in uu musharax u yahay Madaxweynaha Liibiya.

Boorar ay ku qoran yihiin ololihiisa doorashada Seif Al Islaam ayaa lagu arkayaa qeybo kamid ah dalka Liibiya, waxaana dadka taageersan siyaasigan aaminsan yihiin in uu isbadal ka dhalin karo Liibiya oo colaad iyo xaalad adag galay markii aabihiis xilka laga tuuray.

Seif Al Islaam ayaa lagu xiray dalka Liibiya markii aabihiis xilka laga tuuray, waxaana ninkan oo lagu tilmaami jiray Hogaamiyaha wajiga casriga ee Liibiya laga sii daayay xabsi uu ku xirnaa kadib markii dambi lagu waayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -