Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka NISA oo howlgal ku dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA , ayaa fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al Shabaab, waxa uuna howlgalka  ka dhacay deegaanka Bagdaad ee duleedka Afgooye.

War kasoo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in ciidanka heleen xogta xubno katirsan Al Shabaab oo abaabulayay arrimo amniga liddi ku ah, waxa ayna ciidanka xuseen in howlgalka lagu dilay 23 xubnood oo katirsan Al Shabaab.

NISA ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalka intii uu socday lagu bur buriyay fariisimihii ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al Shabaab, waxa ayna NISA ugu baaqday shacabka in ay ka fogaadaan goobaha ay joogaan Al Shabaab.

Related posts

Gudoomiye Mursal oo Magaalada Lefkosa kula kulmay dhigiisa Mr. Teberruken Ulucay (Sawirro)

Caydiid Ali

Xiisada ka taagan Shiirkole oo laga cabsi qabo in Waji kale yeelato

Cabdi Cade

Midawga Afrika oo Itoobiya ka dalbaday inuu liiska argagaxisada ka saaro TPLF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---