Ciidamada Galmudug oo gacanta ku dhigay Markab laga leeyahay Shiinaha (Sawirro)

Ciidamada ilaalada Xeebaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay markab watay calanka dowlada Shiinaha oo si sharci daro ah uga kaluumeesanayay badda Soomaaliya gaar ahaan Biyaha Galmudug.

Howlgal ay sameeyeen ciidamada ilaalada xeebaha Galmudug ayey ku guuleesteen in markabkan kaluumeesiga sharci darada ku hoolanaa gacanta ku dhigaan xili uu ku sugnaa meel aan ka fogeen xeebta Degmada Hobyo.

Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha degmada Hobyo Cabdiraxmaan Cali Dbiblaawe ayaa sheegay in markabka ay saaran yihiin 17 Kalluukeysato u dhashay wadamada  Shiinaha, indonesia iyo Hindiya.

Waxa uu sheegay taliyaha in markabkan kaluumeesiga sharci darada ah ku jiray ay mudo kudaba jireen, waxa uuna tilmaamay in markabkan uu dhibaatooyin u geestay doonyo kaluumeesato Soomaaliyeed lahaayeen.

Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha degmada Hobyo Cabdiraxmaan Cali Dbiblaawe waxaa uu sheegay inay sii wadi soonaan howlgalladabka dhanka ah Maraakiibta Shisheeye ee Kalluumeysiga Sharci darrada ah ka wada Xeebaha Gobolka Mudug.

Biyaha Soomaaliya waxaa si joogta ah kaluumeesi sharci daro ah uga sameeya maraakiib iyo doonyo shisheeye kuwaa oo mararka qaarkoopd dhibaateeya doonyaha ay wataan kaluumeesatada Soomaaliyeed.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -