(Sawirro) RW Khayre oo galabta la shaahay qaar ka mid ah shacabka Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Khayre ayaa qaar kamid ah Bulshada Dhuusamreeb galabta waqti kula qaatay goobaha dadku isugu yimaadaan.

Khayre ayaa tagay biibitooyin ku yaalla bartamaha magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo uu kula qaxweeyey shacab u badnaa dhalinyaro iyo odayaal ka tirsan dadka degaanka.

Qaar ka mid ah dadkii halkaas ku sugnaa oo ay lama filaan ku noqotay booqashada Khayre ayaa waxay weydiiyeen Raisul Wasaaraha su’aalo la xiriira xaalada Siyaadadeed, dhaqaale iyo bulsho ee dalka iyo waxa ay qabatay xukuumadiisa.

Khayre ayaa isna markiisa weydiiyey shacabka uu la kulmay xaaladaha nololeed iyo bulsho ee dhibaatooyinka jiea ee ay jeclaan lahaayeen in DF ay wax kala qabato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -