Mareykanka oo ka hadlay Dhaqaalaha ku baxaya Doorashada Golaha Shacabka

Dowlada Mareykanka ayaa soo dhaweesay in lasoo gabo gabeeyay doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo labadii kursi ee ugu dambeeyay shalay lagu doortay magaalada Dhuusomareeb.

Qoraal kasoo baxay safaarada Mareykanka ku leedahay Muqdisho ayaa lagu sheegay in ay soo dhaweenayaan dhameestirka doorashada Aqalka Sare, waxa ayna safaarada ugu baaqday Madaxda maamulada in ay dedejiyaan doorashada Golaha Shacabka.

“Waxaa soo dhaweynaynaa gabagabeynta doorashadda Aqalka Hoose. Waxaa hadda la joogaa waqtigii Saciid Cabdullaahi Deni, Axmed Madoobe, Axmed Qoorqoor, Guudlaawe, iyo Laftagareen ay xormayn lahaayeen baaqii Maxamed Xuseen Rooble ee ku aadanaa in doorashada Aqalka Hoose lasoo gabagabeeyo kahor dhamaadka 2021,” ayay tiri safaarada.

Dowlada Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in diyaar yihiin dhaqaalaha ku baxaya qeybo muhiim ah oo kamid ah doorashada Aqalka Hoose, dhaqaalaha Mareykanka sheegay ayaana kamid ah kuwa horey looga aruuriyay musharaxiin iyo kuwa iyagu bixiyeen.

“Dhaqaale ayaa diyaar ah si loo dhamaystiro qayb muhiim ah oo ka mid ah doorashooyinka Golaha Shacabka, taas oo ay ugu wacan tahay khidmadaha diiwaangelinta musharraxiinta ee horay looga soo ururiyay iyo qaaraanka ay ka heleen saaxiibada Soomaaliya, oo uu ku jiro Mareykanka”. ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay safaarada Mareykanka.

Doorashada Golaha Shacabka ee Baalamaanka federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in si rasmi ah uga bilowdo dowlad goboleedyada dalka, waxa uuna Ra’isul Wasaare Rooble ku baaqay in doorashada lagu soo gabagabeeyo bisha December.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -