Dowlada Somalia oo war ka soo saartay xukunka lagu riday askar ka tirsan AMISOM

Dowadda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay xukunkii maxkamadda AMISOM ee Xerada Xalane ku ridday Labo ka mid askartii lagu eedeeyay in ay dad rayid ah ku laayeen gobolka Sh/hoose.

Wasiirka Cadaaladda ee dowladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay In xukunkan fulintiisa ay dowladda Soomaaliya dabagal iyo hubin ku sameyn doonto meesha uu ka dhici doono isla markaana ehalada iyo qareenndoodu ay goob jooga ka ahaan doonaan uuna u dhici doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Kiiska noocan oo kale ah hadda ka hor dalka kama dhicin laakin gudaha haka dhaco ama Uganda haka dhacdo, dowladda Soomaaliya iyo eheladaba waa laga marqaati gelin doonaa” ayuu yiri Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Askartan oo ka soo jeeda dalka Ugandha ayaa labo ka mid ah waxaa lagu xukumay dil, halka seddaxda kalena lagu xukumay min 39 sano oo xabsi ah sidoo kale waxaa magdhow la siin doonaa ehaladii dadkii la laayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -