Mareykanka oo cunoqabateyn cusub ku soo rogay dowladda Eritrea (Sababta)

Mareykanka ayaa cunnaqabateyn cusub saaray Eritrea, sababo la xiriira ka qeyb qaadashada colaadda dhimashada badan keentay leh ee dalka ay deriska yihiin ee Ethiopia.

Cunnaqabatayntan cusub ayaa lagu beegsaday Ciidanka Difaaca Eretria iyo xisbi siyaasadeedka Madaxweyne Isaias Afwerki, Xisbiga Shacabka ee Dimuqraadiyadda iyo Caddaaladda, iyo sidoo kale xubo kale oo ka tirsan dowladda.

“Ciidamada Eritrea ayaa ka howlgalay guud ahaan Ethiopia intii ay colaaddu socotay, waxaana ay mas’uul ka ahaayeen xasuuq, dhac iyo xadgudubyo dhanka jinsiga ah,” ayay Waaxda Maaliyadda ee Mareykanku ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Eritrea ayaa ku dhaleeceysay Mareykanka in uu cunnaqabateyn hor leh ku soo rogay dalkeeda, iyadoo tallaabadaasi ku tilmaantay mid sharci darro iyo damiir xumo ah.

Eretria ayaa ciidamo taageera Abiy u dirtay Ethiopia, halkaasi oo sanad ka hor uu ka bilowday dagaal ka dhan ah kooxda TPLF ee mar dalkaasi soo maamushay.

Ciidamada Eretria iyo Ethiopia ayaa lagu eedeeyay inay kufsi wadareed ka geysteen gobolka Tigray, waxaana Washington ay marar badan ku boorrisay Asmara in ay ka baxdo Ethiopia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -