Cabdi Qeybdiid iyo Cabdi Xareed oo goordhaw Noqday Senataro kadib markii loo tanaasulay

Waxaa goordhaw magaalada Dhuusomareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ka dhacday doorasdhada labada Xubnood ee ugu dambeeyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashada ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ayaa aheyd mid aan lagu tartamin balse loo tanaasulay labo musharax oo horey loo saadaalinayay in ay ku guuleesan doonaan kuraastan loona soo xushay.

Senatar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa mar kale loo doortay in uu noqdo Senator katirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka, waxaana Qeybdiid u tanaasulay musharaxii malxiis ahaanta u watay .

Waxaa kursiga labaad iska ku guuleestay Senator Cabdi Cismaan Xareed oo isna u tanaasulay musharaxii malxiiska u ahaa, waxaana Senataorkan aad ugu dhaw yahay Madaxweyne Farmaajo uu kamid ahaa la taliyaashiisa.

Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa dhamaantood ahaa kuwa aan lagu tartamin balse ay tanaasuleen xubno Senatarada guuleestay malxiis ahaan usoo qorteen, waxa ayna noqptay doorashadii ugu musuqa badneed tan Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -