Nin Wiil yar ku dhax Kufsaday Masaajid gudihiis oo Xukun adag lagu riday

Magaalada Gaarisa ee caasimada gobolka Waqooyi bari dalka Kenya waxaa ka dhacay dhacdo dad badan layaab iyo argagax ku noqotay ,kadib markii nin dhalinyaro ah oo mu’adin ka ahaa masjid kuyaala magaaladaasi uu kufsi u geestay wiil yar.

Maxkamad ku taalla magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooy Bari Kenya ayaa xukun xabsi daa’in ah ku riday nin 23-sano jir ahaa oo maxkamada ku heshay in uu kufsi gudaha Masjidka ugu geestay  wiil yar oo 6 jir ahaa.

Xafiiska dacwad oogaha guud ee Kenya ayaa sheegay in ninka kufsaday wiilka yar uu ku siray nacnac isla markaana uga digay in uusan sheegin wiilka waxa uu ku sameeyay isagoona hanjabaadyo u jeediyay.

Falkan foosha xun uu ku kacay ninka Mu’adinka ahaa ayaa caro badan ka abuuray magaalada Gaarisa, dad badan ayaana soo dhaweeyay xukunkan adag ee lagu riday ninkaasi kufsiga geestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -