Diblomaasiyad Hufan: Ma Dabaqaban Doontaa Xidhiidhka Soomaaliya iyo Mareykanka ?

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo saxiixay sharci lagu muransan yahay oo kordhinaya muddo xileydkiisa iyadoo aan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka la marin ayaa keenay in deeqbixiyeyaasha reer Yurub iyo dowladda Mareykankaba ay si xoog leh uga horyimaaddaan go’aankaas.

Su’aal kama taagna in dalka uu wajahayo caqabado aan hore loo arag. Danjire Larry Andre Jr. oo dowladda Mareykanka ka soo beddelay Mauritania si uu u kibir jibiyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku soo wajahan Muqdisho.

Golaha Amniga ee QM oo intiisa badan taageeray heshiiskii September 17, 2020 (doorashada dadban iyo xil ku-simidda madaxweynaha) ayaa walaac kaga furmayaa ergada Afrikaanka ah oo rumeysan in Farmaajo uu jebiyay dastuurka Soomaaliya, si uu u helo muddo kordhin.

Waxaase la yaab leh caqliga u fikaraya sidii in dunida ka jirto loolan awooddo isla’eg. Soomaaliya ma aha Liibiya oo u Mareykanaka faraha uga qaaday reer Yurub. Mana aha Itoobbiya oo ah dal uu doorbidayo maantana uu tirtirayo gaboodfalkeedii Tigree.

Sidaas ay tahay Washington waxay Muqdisho ka leedahay dano istiraatiiji ah oo qasbaya xidhiidh wadashaqeyn iyo iskaashi faa’iido u leh labada dhinac.

Maamulkii Ronald Regan oo damcay inuu Soomaaliya ka taakuleeyo jabkii dhaqaale ee dagaalkii Itoobbiya, ayaa u soo magacaabay Muqdisho September 1982 Danjire Robert B Oakley.

Muddo ka dib, danjiraha waxuu ku guuleystay in Siyaad Barre uu ka dhaadhiciyo dhismo xukuumad ay hoggaaminayaan danjireyaal uu ka mid ahaayeen Cabdullahi Axmed Cadow (Washington), Maxamed Saciid Samantar Gacaliye (Paris), Maxamed Cumar Jamac Dhigicdhigic (Brussels), Xuseen Cabdulqaadir Qaasim (Madaxa Conoco), iyo kuwo kale.

Danjire Oakley oo madaxtooyada saq dhexe ka soo laabtay ayaa Washington dhambaal ku wargeliyey liiskii wasiirrada isagoo amaray xoghayihiisii inuu kiciyo marka raadiyo Muqdisho looga dhawaaqo. Danjirihii ayaa aroortii lagu wargeliyey xukuumadda cusub, oo aan ahayn middii uu filayey.

Danjire Oakley subaxaas ayuu iscasilay waxuuna dalka ka tagay August 12, 1984. Jagadiisii waxaa November 14, 1984 loo soo magacaabay Danjire Peter Bridges oo laga soo beddelay dalka Liberia. Lix sanadood kaddib Madaxweyne Siyaad Barre waxaa lagu turunturreeyay bohol uu kala dhacay dowlanimadii dalka.

Soddon sanadood kaddib, Maraykanka oo beddelay siyaasadiisii Soomaaliya ee ay wakiilka uga ahaayeen  dillaaleyda – Sacuudiga, Masaarida, Jabuuti, Imaaraadka, Itoobbiya, Kenya iwm. ayaa go’aansaday in December 5, 2018 Soomaaliya si rasmi ah uga furto safaarad laga hago howl diblomaasiyeedka goblka Bariga Afrika.

Washington waxay Danjire Donald Yamamoto u soo wakiilatay inuu xidhiidhkaas ka tarjumo. Nasiib darro, siyaasad xumada siyaasiyiinta Soomaaliya (mucaarad iyo muxaafid) ayaa dayacday dadaalkii Danjire Yamamoto oo garab u ahaa dib u soo kabashada Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaate, maamulka Madaxweyne Joe Biden waxuu u baahan yahay inuu oggaado in siyaasadda Soomaaliya ay ka degi la’dahay xulufadoodda ay ka mid yihiin Imaaraadka, Kenya iwm. Faragelintaas oo aan maaro loo helin ma sahlanaan doonto in siyaasiyiinta kartida xun ee mucaaradka iyo muxaafidka u turaan dalkooda.

Diblomaasiyad Hufan

Iyadoo qarannimada dalka aan la wiiqaynin, haddana waxaa loo baahan yahay diblomaasiyad hufan oo indho quraanjo leh oo  lagu wajaho xaaladda taagan. Dalku waxuu qarka u saraan yahay inuu lumiyo xulufadiisii ugu dhaweed waxuuna u baahan yahay inuu mudnaanta koowaad siiyo dib u haagaajinta xidhiidhka Maraykanka.

Xulafo hor leh oo haddeer heer xoodxodasho jooga muddo aan yarayn ayay qaadanaysaa si xidhiidhkaas uu u miradhalo. Arrinku waa: Mira Faraqa (ama Guntiga) Kuugu Jiraa Kuwa Geed Saaran Looma daadiyo (qubo).

Washington oo irridda kaa oodata wax ha laga weydiiyo Xasan Sheikh Maxamuud oo maaro looga waayey ra’iisulwasaarayaashiisii amase la imaan waayey siyaasad xasilloon.

Dimuqraadiyadda ma aha cunsur u muhiim ah Washington keliya ee waa himilada ummadda Soomaaliya. Waxaa muhiim ah in khilaaafka dibedda iyo gudahaba looga gudbo qaab wax dhisaya.

W/Q Cabdulqaadir Cariif Qaasim

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -