Nin Dunida si weyn Caan uga ah oo aroos galaya isaga oo ku xiran Xabsi !!

Aasaasaha  Shabakada ku caan baxday faafinta siraha qarsoon ee Wikileaks ayaa loo ogolaaday in uu aroos galo xili uu ku xiran yahay xabsi si weyn loo ilaaliyo oo kuyaala magaalada London ee dalka Britain.

Julian Assange, aasaasaha Wikileaks  oo hada ku xiran xabsiga weyn ee Belmarsh ayaa maamulka xabsiga u ogolaadeen in uu la aqal galo haweeneyda ay wada noolaayeen Stella Moris iskuna hayaan labo caruur ah.

War kasoo baxay maamulka xabsiga Belmarsh ayaa lagu sheegay in ay tixgaliyeen codsi uga yimid  Julian Assange, oo ku aadanaa in loo ogolaado in uu aroos la galo gacalisadiisa Stella Moris isaga oo xabsiga ku jira.

Haweeneyda uu la aqal galayo Assange ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay in loo ogolaaday in  ay la aqal gasho gacaliyaheeda isaga oo xabsi ku jira, waxa ayna tilmaantay in ay rajo ka qabto in hada kadib aan la fara gelin doonin guurkooda.

Sharciga guurka ee soo baxay 1983-kii ayaa maxabiista u ogolaanaya in ay xabsiga dhexdiisa isku ku guursadaan marka codsigooda la aqbalo, hasa ahaatee waxaa laga  rabaa kharashka arooska ku baxayana in jeebkooda ka bixiyaan.

Aasaasaha Wikileaks Assange, oo 50 jir ah, ayaa lagu xiray Britain 2019 kadib markii uu toddobo sano ku qaatay gudaha safaaradda Ecuador ee London, isaga oo baxsad ka ahaa in loo gacan geliyo Sweden oo kusoo oogtay dambiyo galmo, waxaana hada baadi goob ugu jira dowlada Mareykanka oo u heesata dukumiintiyo sir ah uu faafiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -