Xagee u Socotaa Itoobiya , Maxaasa ku dhacay Nabadoonkii Geeska Afrika ?

aMarkii Ra’iisul Wasaaraha Ethopia Abiy Axmed uu ku guuleystay Abaalmarinta Nabadda aduunka ee Nobelka 2019 waxaa lagu ammaanay inuu yahay nabad sameeyaha gobolka. Balse hadda waxa uu madax ka yahay dagaal sokeeye oo daba dheeraaday, kaas oo ay dad badani qabaan in uu eeg yahay xasuuqa, Waxana Abiy Axmed uu khalkhal geliyey guud ahaan Nabada gobolka Geeska Afrika taas oo uu shalay Nabad Doon u aha maantana dagaal doon u yahay.
 
Bishii Nofembar 2020, ayuu Abiy amar ku bixiyay duullaan milateri lagu qaado Gobolka Waqooyiga Ethopia ee Tigray waxana uu ballan qaaday marka in Dagaalka Gobolka Lagu qaaday si deg deg ah loo Soo Af Jari doon. Hal sano ka dib dagaalkii wuu faafay in la soo af jaro daaye waxa la dul jooga Casimadi, Waxana uu galaaftay kumanaan qof naftoodi, Waxana ku barakacay wax ka badan 2 milyan oo qof kuwaas oo guryahoodii ka cararay, waxana u Dagaalkani keenay macaluul baahsan waxana kor u qaaday Kala qayb sanaanta Qomiyahadaha oo Hubka isu qaatay.
 
Ethopia waxa ay la daalaa dhacaysay mudo dheer caqabado dhaqaale mid qoomiyadeed iyo kuwo siyaasadeedba kuwaas oo taagna xattaa ka hor khilaafkan u dhexeeya Abiy Ahmed iyo gobolka Tigrayga Balse ay Tigyagu khilaafkaasi dabkisii hore baxaayey gaas ku sii shubeen.
 
Laakin hadda iyada oo ay sii kordhayaan colaaddaha ka jira degaannada kale ee Ethopia waxaa hadana isa soo taraya cabsida laga qabo in dagaalka Tigray-gu uu dhalin karo dhibaato balaadhan oo suurtagal ka dhigta in ay kala qaybsamaan dhamaan Qowmiyadaha wada degan waddanka labaad ee ugu dadka badan Qaarad Afrika halkii Laga sugaayey in Qowmiyadahan Kala duwani isu so dhawadaan si ay u wada noolaadan.
 
Maxa Keenay Dagaalkan Horta.?!
 
Ugu horayntii Colaadda Tigray-ga ayaa iyadu salka ku haysa xiisado Dagaal oo Soo jiray Jiilal badan oo hore ee Tariikhda Dalka Ethopia.
Dalka Ethopia waxa u ka kooban yahay 10 Maamul Goboleed iyo laba Magaalo oo leh Meeqaamyo gaara, waxaana jira in Maamul kastaaba leeyahay Nidaam u gaara sida Booliiska iyo mamul u gooniya Dadkiisa waxana ay hoos tagaan Dawlada Federalka, Ciidanka Federaalkuna waxa u jooga dhamaan Deganada Mamulada xattaa hada waxay ku suganyihiin Dhulka Mamulka Tigray gaar ahaan dhanka ay Xadka Sudan kala wadagaan, Hadaba Dawlad goboleedyadaasi inta badan waxay u qaybsan yihiin qaab qowmiyadeed kuwaas kala xadaysan ayna Colaado wada dhex yalaan.
 
Ka hor inta uusan Abiy Ahmed xukunka qaban TPLF waxay gacanta birta ah ku haysay Xukunka Ethopia muddo dheer waxayna dusha kala socdeen xasilloonida iyo kobaca dhaqaale ee Dalka, Siyaasaddana waxay ku haysteen Af duub. Xukunka Xisbigii Tigraygu hogaanka u hayey waxa ku bilowday Kacdoono Dadweyne kuwaas oo ugu dambeyntii ku khasbay in ninkii ka horreeyay Abiy Ahmed ee Hailemariam Desalegn uu hadh galay is casilo.
 
2018, Abiy Ahmed waxa loo magacaabay in uu qayb ka noqdo dabaqadda sare ee talada Dalka haysa si ay u qaboojiyaan xiisadaha Kululanaaya ayna isbeddel u keenaan, Hadaba Abiy Ahmed isaga oo aan kor u eegin nidaamkii Siyaasadeed ee hore waxa uu ahaaba aya isla markiiba waxa uu noqday ra’iisul wasaaraha Ethopia, Abiy ayaa ku dhawaaqay marka dib u habeyn in uu ku sameynaayo isbaheysigi talada hayey ee TPLF oo aha aasaaska Jabhaddi Kacdoonka Shacabka Ethopia ama EPRDF oo ka kooban Afar Xisbi, Waxana uu sameyey Xisbi kale oo uu ugu Magac dara Barwaaqo kaas oo meesha ka saaray saamayntii TPLF iyo xulafadodiiba.
 
Isaga oo ku guda jira Ololaha Xisbigiisa Siyaasadeed aya waxa mar uun Abiy ku dhashay cabsi uu ka qabo in Gobollada qaarkood Nidaamka Federaalka Dalka ka hoos baxaan oo madax bannaanidooda ku dhawaqaan sida Gobolka Tigray-ga oo ku dhiiraday taas Hogaamiyayaashiisuna u baxeen dhanka Buuraha Waqooyi iyaga oo hubaysan balse hadana ay iyagu weli sii wadeen Maamulka Gobolkooda ila ay markii danbe Xiisadu kacday oo ay gaadhay meel xun.
 
Bishii September 2020, ayey Tigraygu ka soo horjeesteen Abiy Ahmed iyaga oo ku eedeyey dib u dhigista Doorashadii Baarlamaanka Waqtii u faafayeey Cudurka Coronavirus taasna ay keentay dib u dhiga doorashada Ethopia sida ay sheegtay Dawladu, Abiy ayaana ku tilmaamay codbixintay sameyee mid sharci darro ah waxaana uu ka jaray dhaqaalihii u siin jiray hoggaanka TPLF isaga oo xattaa lacagtii Dalka bedelay marka, taas oo Aduunka u muujisay dagaalka u dhexeeyo Tigrayga iyo Fawladda Dhexe Ethopia.
 
Bishii Novembar 4, 2020, ayuu Abiy ku eedeeyey kooxda TPLF inay weerareen saldhig ay Ciidamada Federaalka ku lahayeen meel ka yara baxsan Magalada Mekelle ayna isku dayeen in ay hubka ka dhacaan Ciidanka, Abiy wuxuu amar ku bixiyay marka in weeraro lagu qaado kooxdan isaga oo u diray qaybo ka mida ciidamada qaranka iyo dagaalyahano ka socday Gobolka ay dariska yihiin ee Axmaarada dhanka kale ay wehelinayeen Askar ka socota Dalka Eritrea.
 
Abiy ayaa ku dhawaaqay in uu Guulo ka gaadhay Weerarka ka dib Saddex Toddobaad oo kaliya markii ay Ciidamada Dowladdu la wareegeen Gacan ku haynta Magalada Mekelle, waxana u soo dhisay marka Maamul ku meel gaadh ah kaas daacad u ah Addis Ababa, Laakiin Sannad ka dib Maamulkaasi wuu kala yaacay mana uu shaqayn.
 
Gabood Falada Dhacay Waqtiga Ila Maanta.!
 
Bilowgii colaaddaba Abiy Ahmed waxa uu beeniyey in Dad rayid ah ay waxyeelo gaadhsiyeen Ciidankiisu iyo in Askar ka tirsan Ciidanka Eritrea ka qayb qateen dagaalka.
 
Laakin warbixinada ka soo baxay goobjoogayaasha caalamiga ah iyo kooxaha xuquuqul insaanka u dooda ayaa labaduba diiday waxa uu Abiy Ahmed sheegay.
 
Qaramada Midoobay aya iyaguna ku tilmaantay Weerarka in uu ka dhashay Qaxii ugu xumaa ee ka dhaca Ethopia labaatankii sano ee la Soo dhaafay Waxay ku qexeen colaada mid masiibo bani aadam ah.
 
Dowladda Ethopia wixii marka ka danbeyey si aad ah u xaddidday Xoga laga helaayo Dalkeeda iyada oo isgaadhsiintii Dawladu Hawada ka saartay Waqtii ay dhacdooyinkii gobolku socdaan taas oo ka dhigtay mid adag in la qiyaaso inta ay dhibaatadu gaadhsiisan tahay.
 
Laakiin cadaymaha gabood fallada dhacay ayaa bilaabay inay soo shaac baxaan horaantii sanadkan, Baadhitaano ay samaysay Hay’aad Amnesty International bishii Febraayo aya lagu soo ban dhigay caddaymo muujinaya xasuuqii ay ciidammada Ereteriya ka gaysteen Magaalooyinka Dengelat iyo Axum ee Gobolka Tigreega dabayaaqadii sannadkii hore.
 
Baadhitaan kale oo la sameyey bishii June ayaa Daaha ka qaaday faahfaahino cusub oo ku saabsan xasuuq ay Askarta Ethopia ka geysteen Magaalada Mahibere Dego bishii Janaayo ee Gobolka Tigrayga. Warbixintaasina waxa tilmaamay mid ka mid ah dadkii ka dambeeyay xasuuqa.
 
Dhammaan Jilayaasha Dagaalka ayaa lagu eedeeyay in ay geysteen gabood-fallo, balse Ciidamada Eritrea ayaa lala xidhiidhiyey qaar ka mid ah kuwii ugu foosha xumaa. Marka laga soo tago in ay gaysteen Dil wadareedyo, Askarta Eritereeya ayaa sidoo kale la helay iyaga oo xannibaaya oo dhac u geysanaya Cuntooyin Gargaar ah qaybo badan oo ka tirsan Gobolka Tigrayga.
 
Dowladda Eritrea ayaa beenisay inay wax lug ah ku leedahay xadgudubyo, Dhan kalena Dowladda Ethopia ayaa ballan qaaday in ay badhitaan ku sameyn doonto fal kasta oo dhacay Dagaalka.
Abiy Ahmed Nabad Doonkii Geeska Africa.!
 
Wax ka yar hal Sano ka hor inta aanu Abiy Weerarka ku qaadin Gobolka Tigrayga waxa uu ku tilmaamay Dagaalku in uu yahay “Tusmaddii Cadaabta Aduunka” hadalnkan waxa uu ka yidhi intii uu waday khudbadii uu ku gudoomay Abaalmarinta Nabadda Aduunka ee Nobel Peace Prize. Waxaa loogu Abaal mariyey Abaal marintan doorkii fiicna ee uu ka qaatay soo afjarida colaadii mudada dheer soo jiitamaysay ee kala dhaxaysay Dalkiisa dalka ay Jaarka yihiin ee Eritrea iyo in uu isbadal muuqda ka sameeyay Dalkiisa Ethopia.
 
Eritrea waxay mar ka mid ahayd Ethopia laakiin waxay xornimada ka qaadatay 1993 ka dib halgan hubaysan oo socday 30 sano. Intii u dhaxaysay 1998-kii ilaa 2000-kii, Ethopia iyo Ereteriya waxaa dhexmaray dagaalo ay ku dhinteen kumannaan qof oo labada dhinacba leh, Kaas oo horseeday is mari waa dheer oo khatar geliyey gebi ahaanba iskaashigoodii Jaarnimo.
 
Markii uu xukunka qabtay Abiy waxa uu si deg deg ah ugu dhaqaaqay in uu caadi ka dhigo xidhiidhka Eritrea Iyo Ethopia Isaga oo aqbalay go’aankii guddida Caalamiga ah ee sameyey xuduudaha Labada Dowladood.
 
Abiy Ahmed ayaa sidoo kale ku dhaqaaqay dhanka dib u habeynta Gudaha taas oo sare u qaaday rajada laga qabo inuu la yimaado isbedel Waara, Sidoo kale waxa uu sii daayay kumannaan maxaabiis ah oo u xidhxidhnaa Arrimo Siyaasadeed waxana uu ku dhaqaaqay in uu furo warshadaha isgaadhsiinta iyo in uu balaadhiyo maalgashiga gaarka ah.
 
Balse sumcadii uu ku yeeshay Hogaamiye midayn kara Ethopia ayaa si deg deg ah u sii xumaatay waxaana heshiiskii nabadeed ee uu la galay Eritrea ee aad loogu bogay u muuqdaa mid u gogol xaadhay in ay labada dalba dagaal la galaan TPLF.
 
Tan iyo markii ay bilowdeen colaada rabshadaha isirka salka ku haya ayaa waxa dalka ka dhacayey kacdoon Qowmyadeed oo hubaysan sida gobolka uu ka soo jeedo Abiy Ahmed ee Oromiya oo ah gobolka ugu dadka badan, Bishii May ciidanka Xoraynta Oromada ee (OLA) oo ah iyana koox hubaysan ayaa wacad ku maray in ay dagaal guud ku qaadi doonaan xukuumadda Abiy Ahmed.
 
In kasta oo ay jiraan ballan qaadyo lagu daweynayo kala qaybsanaanta qowmiyadaha loona gogol xaadhayey isbeddel nabadeed oo ku yimaada si dimoquraadi ah Iyo Xisbiyada badan, Hadana Abiy waxa uu si isa soo taraysa u adeegsanaayey dad cabudhinta sida Xidhida internetka iyo adeegyada taleefoonada xadhiga saxafiyiinta iyo cabudhinta mucaaradka. Abiy ayaa sidoo kale lagu dhaleeceeyay in uu isagu sii hurinaayo colaada isaga oo isticmaala hadalo xanaf Leh marka u ka hadlaayo colaadda Tigrayga kuwaas oo uu ciidamadooda ku tilmaamay in ay yihiin kansal.
 
Bishan Luulyo, oo uu dagaalku socday Abiy iyo xisbigiisu waxa ay guul weyn ka gaadheen Doorashadii guud oo ay qaadaceen Xisbiyada mucaaridku.
 
Taas niyad jab ku keentay dad badan oo rajo weyn ka qabay in isbedelkii dimuqraadiga ahaa ee uu Abiy Ahmed ballan qaaday saddex sano ka hor in uu hirgelin doono doorashada.
Ethopia Maanta.
 
Dawladda Ethopia ayaa ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah bishii Juun, markii ay ciidammada Tigraygu dib ula wareegeen caasimadda gobolkooda ee Mekelle, Balse kooxda TPLF ayaa gabi ahaanba meesha ka saartay in ay wax heshiis ah la galayso Abiy Ahmed, waxana u dagaalku ku fiday meelo ka baxsan xudduudaha Tigray-ga ee gobolada ay dariska yihiin sida Axmaarada iyo Canfarta.
 
2-dii Novembar, ka dib hal sano oo iska horimaad lagu jiray Gobolka Tigray ayey Dawlada Ethopia ku dhawaaqay xaalad deg deg ah dadkana waxay ugu baaqeen in ay hubka qaataan si ay u difaacaan caasimadda.
 
Maalin ka dibna ilo diblomaasiyadeed oo sare sare kuna sugan Ethopia aya xaqiijiyey in dagaalyahanno ka tirsan Ciidamada Difaaca Tigray (TDF) iyo Ciidanka Xoreynta Oromada (OLA) ay ku sugan yihiin duleedka caasimadda.
 
Warku wuxuu intaa ku daray in jabhaddu ay awood u leedahay inay gudaha magaalada ku dhex sugnaato saacado gudahood haddii ay door bidaan balse ay door bidayaan inay sugaan inta heshiis la gaadhayo.
 
Horumarka degdega ah ee dagaalyahanada Tigrayga aya la sheegayaa in ay qabsadeen Magalada Dessie iyo Kombolcha oo ah labo magaalo oo muhiimka ah kuna yaala wadada Addis Ababa tagta, Taas ayana keentay in madaxda Dawlada Ethopia ay walaac ka muujiyaan in caasimadu gacantooda ka baxdo.
 
Afhayeen u hadlay dowladda ayaa ku murmay qabsashada magaalooyinkan, balse markii dambe Balse mar kale bayaan uu soo saaray wuxuu ku eedeeyay ciidamada Tigrayga in ay 100 dhalinyaro ah ku toogteen magalafa Kombolcha, Kooxda TPLF ayaa beenisay warkaas dhankooda.
 
Iyadoo ciidamada Tigreegu ay jiida hore ee koonfurta ka soo durkayaan, ayey hadana dawladdu xoojisay duqaymaha ay ku hayso magaalada Mekelle iyo magaalooyinka kale ee Tigreega,Iyaga oo isku dayaaya in ay bartilmaameedsadan halka ay ka soo dulayaan Tigraygu.
 
Abiy ayaa ku booriyay muwaadiniinta inay hubka qaataan oo ay la dagaalamaan ciidamada Tigrayga waa Sida uu yidhi qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceboogiisa Axaddii in kasta oo qoraalkii Laga saaray halka hada.
 
Maamulka magaalada Addis Ababa ayaa iyaguna dadka ku amrayay in ay isdiiwaan geliyaan iyaga iyo hubkooduba iskuguna yimaadaan xaafadaha degmoyinkooda.
 
Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Washington ay aad uga argagaxday wararka sheegaya in kooxda TPLF ay la wareegtay magaalooyin badan “Dhammaan dhinacyadu waa inay joojiyaan hawlgallada milatari oo ay bilaabaan wada-xaajoodyo xabbad-joojin ah iyadoon wax shuruud ah lagu xidhin,” ayuu ku yidhi bartiisa Twitter-ka.
 
Aragtida Maraykan Ee Xaalka Ethopia.!
 
Iyadoo dagaalka iyo saameynta uu ku leeyahay dadka rayidka ah uu sii xoogeysanayo ayaa madaxda caalamka waxa ay ka dhawaajiyeen dareenkooda ku aadan xayiraada ay dowladda Ethopia ku sameysay gargaarka la siinayey Tigrayga iyo doorka ay ciidamada Eritrea ku leeyihiin Dagaalka.
 
Saraakiisha sare ee maamulka Biden ayaa ka digay in Ethopia ay lumin doonto barnaamijka ganacsiga faa’iidada badan leh ee Mareykanku siiyo sababo la xidhiidha xadgudubyada xuquuqda aadanaha haddii aysan qaadin tillaabooyin wax ku ool ah oo ku aaddan joojinta colaadda socota iyo yareynta dhibaatooyinka bini’aadantinimo bilowga sanadka so socda 2022.
 
Madaxweyne Joe Biden ayaa go’aamiyay in Ethopia ay ka baxday u hoggaansanaanta shuruudaha u qalmitaanka Xeerka Kobaca iyo Fursadaha Afrika ee loo yaqaan (AGOA) “xadgudubyada weyn ee xuquuqda aadanaha ee caalamku aqoonsan yahay waa Lama taabtan” ayuu ku sheegay warqad uu u diray aqalka Congress-ka November 1-dii.
 
Dawladda Itoobiya waa in ay qaaddaa tallaabooyin degdeg ah ugu dambayn 1-da Janaayo si ay ugu sii jirto barnaamijka kaas oo siiya waddamada Saxaraha ka hooseeya ee u qalma marka in ay si cashuur la’aan ah u galaan suuqyada Maraykanka dhamaan badeecooyinkoodu.
 
Maamulka Mareykanka ayaa sidoo kale isku diyaarinaya in uu soo saaro cunaqabateyn ka dhan ah dhinacyada isku haya, iyadoo la raacayo amarka fulinta ah ee uu saxiixay Biden bishii Septembar sida ay saraakiishiisu sheegeen.
 
Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa horay ugu dhawaaqday xayiraado dhanka fiisaha ah oo lagu soo rogay mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya iyo Eritrea iyadoo maamulka Biden uu ku soo rogay xayiraad baladhan oo dhanka dhaqaalaha ah.
 
Ugu danbayntii Waxaynu Ethopia u rajaynaa wanaag iyo in ay dhibta ka baxdo arinkeeda sida ugu wanagsan u dhamaystaan.
 
Waxa Qoray: Eng Samaale Mo Somali

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -