Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Macron oo bedelay telfoonkiisa gaarka ah kadib weerar lagu qaaday

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa iska bedelay telfoonkiisa gaarka ah uu mudooyinkan isticmaalayay kadib markii la shaaciyay in uu kamid noqday telfoonada madax iyo dad badan oo caan ah oo la jabsaday.

Telfoonka Madaxweyne Macron ayaa la sheegay in uu kamid ahaa  in ka badan 50-kun oo telefono caalamka ah oo lagu jabsaday barnaamijka wax lagu basaaso ee ‘Pegasus spyware’ oo shirkad Israa’iil leedahay.

Madaxtooyada Faransiiska ee Élysée Palace ayaa  xaqiijisay in la bedelay telfoonka gaarka ah Madaxweynaha , waxa ayna Madaxtooyada saraakiil katirsan sheegeen in sare loo qaaday illaalinta isgaarsiinta xasaasiga ah ee Madaxweynaha iyo Xafiiskiisa.

Barnaamijka telefonada lagu jabsado ama lagu basaaso ee (Pegasus) ayaa loo adeegsaday in lagula socdo dhaq-dhaqaaqa iyo xogta in ka badan 50.000 telefoono ay leeyihiin Madaxweynayaal suxufiyiin iyo siyaasiyiin ku kala sugan dalal kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaali loo heysto inuu gowracay nin 52 jir ah oo lagu xiray dalka Jarmalka

Caydiid Ali

Xiriirka magaalooyinka Qaahira & Xamar oo la xoojinayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Maamulka SSC oo ka digay abaabul dagaal oo ay wado Somaliland (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---